Aqoontu waa sheyga kaliya ay dadku ay ku horumarikaraan waxayna laga maarmaan ay u tahay nolosha binu’aadamka. Aqoontu waxay dhistaa guri aan tiir lahayn jaahilnimada ama aqoondaridu waxay bur-burisaa guri sharaf iyo barwaaqo ay ku nool yihiin dadkiisa. Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah, sidoo kale waxaan ognahay in dunidu maanta ay u qaybsan tahay labo qaybood, kuwaas oo waxkasta ku kala duwan. Labadaas qaybood waxay kala yihiin oo lagu kala tilmaamaa dunida horumartay iyo dunida danbaysa.
Faaidooyinka waxbarashadu ay leedahay waxaa kamid ah:
1. Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisa kalsooni buuxda , kasloonidana waxay qofka u fududaysaa in uu si hagaagsan u guto waajibaadka ka saaran nolosha.
2. Qofka wax bartay wuxuu ku noolaa nolol sharaf ah oo farxad ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo.
3. Dal wuxuu hormari karaa oo kaliya marka ay jiraan dadkii hormarin lahaa, dadkuna waxba ma ay qaban karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen.
4. Qof kasta oo aqoon leh waxuu sameen karaa fakar uu u madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidato uu ku tiirsanyahay marwalba fakarka ama aragtida dadka kale.
5. Qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad hormarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed.